Isku xirrada

Kumanaan Muhaajiriin ah oo Gaaray Hungary


Muhaajiriin ka tallaabaya xadka Serbia una gudbaya Hungary. 08/25/2015

Muhaajiriin ka tallaabaya xadka Serbia una gudbaya Hungary. 08/25/2015

Hungary ayaa sanadkan 2015 diiwaan gelisay boqol kun oo muhaajiriin ah, taasi oo ah laba jibaarka tirada sanadkii tagay.

Booliiska dalka Hungary ayaa talaadada maanta ah ku warramay in tiro muhaajiriin ah oo aan horey loo arag ay kasoo gudbeen xadka dalkaas, halka Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysana ay sheegtay inay qiyaaseyso in kumanaan kale ay qaadi doonaan waddo taas la mid ah.

Hungary ayaa sanadkan 2015 diiwaan gelisay boqol kun oo muhaajiriin ah, taasi oo ah laba jibaarka tirada sanadkii tagay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ku dhowaad 2,100 oo qof ay kasoo gudbeen xadka dalkaas Isniintii shalay, taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee la arko maalin qura.

Kumanaan muhaajiriin ah oo kasoo cararaya dalalka Syria, Ciraq iyo Afghanistan ayaa kasoo gudbaya badda Meditareeniyaanka, ayaga oo caha dhiganaya dalka Greece, kadibna kusii baaha dalal badan oo yurub ah oo Hungary ay ka mid tahay.

Dowladda Hungary ayaa iminka la dagaalameysa waqtiga, si ay u dhameystirto dhismaha darbi ay ka dhiseyso xadka, si ay u joojiso qul-qulka dadka muhaajiriinta ah.

XS
SM
MD
LG