Isku xirrada

War

Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday


Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday

Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday

Kulan maanta Muqdisho ku dhexmari lahaa xidlhibaannada Somalia ayaa baaqday, waxaana baaqashadaasi lagu fasiray arrimo farsamo aawadeed.

Waxaa maanta baaqday kulan uu yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la sheegay in xukuumaddu ay ku hortegi lahayd si codka kalsoonida loogu qaado.

Inkastoo oo aan si dhab ah loo ageyn waxyaabaha keenay dib u dhaca kulanka oo ah mid si weyn loo hadal hayay 24 saac ee ugu danbeyay, balse guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahin Muudey ayaa VOA u sheegay in arrimo farsamo darted ay u hakiyeen kulanka baarlamaanka. C/wali Muuday wuxuu ka ka gaabsaday inuu kahadlo sabata dhabta ah ee keentay inuu shirka qabsoomin, isaga oo intaa ku daray inayan doonaynin in ay ku lugyeeshaan khillaafka u dhaxeya Madaxda DKMG.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in baaqashada kulanka baarlamaanka ay ugu wacantahay faragelin ay sameyayeen Baasha caalamka oo ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisadda iminka ud haxeya Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarihiisa oo isaguna maanta dalka dib ugu soo laabtay.

XS
SM
MD
LG