Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kor u Qaadista Waxbarashada Miyiga ee Puntland


Kor u Qaadista Waxbarashada Miyiga ee Puntland
Kor u Qaadista Waxbarashada Miyiga ee Puntland

Jaaliyadda Puntland ee dibadaha ku dhaqan waxay haatan u tafaxayteen sidii waxbarashada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa caruurta miyiga ku nool.

Baahi weyn oo dhanka waxbarashada ayaa ayaa haysata caruurta ku dhaqan miyiga gobollada Puntland, hase yeeshee waxaa socda dadaal xoog leh oo la doonayo in baahidaasi waxbarasho wax laga qabto. Waxaana dadaalkaasi ka qeyb qaadanaya jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan dibadaha oo iyagu haatan bilaabay sidii waxbarasho aasaasi ah loo gaarsiin lahaa deegaanada Miyiga.

Deegaanka Goodaale ee gobolka Sool ayaa ka mid ah goobaha ay haatan ka bilaabatay boor ka jafidda goobaha waxbarashada, Waxaana gacan weyn ka geysatay hay'ad lagu magacaabo IRFAN oo fadhigeedu yahay dalka Canada.

Barnaamijkan dib u habeynta goobaha waxbarashada iyo waxbarasho gaarsiinta caruurta Miyiga Puntland waxaa hormuud ka ah jaaliyadda Puntland ee dibadaha.

Deegaankaasi waxaa ka dhisnaa dugsi yar oo hoose dhexe ka kooban, waxbarashaduna ay aad u hooseysay.

Haddase dugsiga ayaa la ballaariyay, waxaana lagu baran karaa ilaa dugsiga sare.

XS
SM
MD
LG