Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban Oo Dooratay Hoggaamiye Cusub


Kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay in Mawlawi Haibatullah Akhundzada loo magacaabay inuu noqdo madaxa cusub ee kooxdaas kadib geeridii Mullah Akhtar Mansoor.

Bayaan lagu qoray luuqadda Pashto oo kooxda ay baahisay maanta ayay sidoo kale si rasmi ah ugu qirtay in Mansoor lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan cidna wadin oo Mareykanka uu lee yahay.

"Mawlawi Haibatullah Akhundzada ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee Taliban kadib markii ay si buuxda isugu raaceen golaha shuurada ee kooxda” ayaa lagu yiri bayaanka Taliban.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Isniintii xaqiijiyey in Mansoor la cirib tiray, sababta oo ah waxa uu caqabad ku ahaa hanaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta Afghanistan.

Hoggaamiyaha cusub ee Taliban ayaa waxa uu ku xigeen u ahaa Mansoor isaga iyo Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda Haqqani.

Haqqani ayaa xilkiisa sii hayn doono, halka wiilka aas-aasihii kooxda, Mullah Yaqoob, loo magacaabay inuu noqday ku xigeenka hoggaamiyaha cusub.


XS
SM
MD
LG