Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas Iyo A/Madoobe Oo Tagay Gaalkacyo


Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Gaalkacyo u joogaan ka qeyb qaadashada dadaallada nabadeed ee ka socda.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, ayaa shir jaraa’iid oo ay qabteen kadib tegitaankoodii Gaalkacyo waxa ay ku sheegeen in halkaas ay u yimaadeen ka qeyb qaadashada dadaallada nabadeed ee la doonayo in xiisadda halkaas ka jirta lagu dhammeeyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas waxa uu mar kale ku celiyey in dowladda Puntlanad aysan lahayn mas’uuliyadda dagaallada Gaalkacyo, islamarkaana mas’uuliyadda dagaaladaas ay tahay la saaro oo loo sheego cidda leh, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri in taasi ay dhallin karto xal waara iyo in arrintan aysan mar kale dib usoo cusboonaan.

Cabdi Weli Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhoweyneyso, islamarkaana ay ka qeyb galeyso dadaallada nabadeed ee ay wadaan xubnaha uu ugu sarreeyo ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu ugu baaqay xubnahaas inay xal buuxa raadiyaan, islamarkaana Puntland aysan dooneyn sii socoshada dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in Gaalkacyo ay dhib ugu filan tahay wixii horey u dhacay, loona baahan yahay in iminka laga gudbo.

Dadaallada nabadeed ee ka socda Gaalkacyo, ayaa aad loogu rajo weyn yahay in lagu guuleysto, islamarkaana la qaato nabadda.

Warbixintan oo maqal ah iyo codadka Gaas iyo Axmed Madoobe, hoos ka dhageyso. Waxaa soo jeedianaya Axmed Cali Sheekh.

Warbixin: Xiisadda Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00

XS
SM
MD
LG