Isku xirrada

War

Kooxda LA Lakers oo koobka NBA qaaday

  • Abdulaziz Osman

Kooxda LA Lakers ayaa ku guulaysatay koobka ciyaaraha NBA ee dalka Maraykanka kadib markii ay 83-79 kaga badisay Boston Celtics.

Kooxda LA Lakers oo ka soo jeeda magaalada Los Angelles ayaa xalay ku guuleysatay koobka kubbada Koleyga ee ciyaaraha NBA-da Maraykanka.

Ciyaartii final-ka oo ay isaga hor yimaadeen kooxda kale ee Boston Celtics, ayaa waxay ku soo afjarantay 83 dhibcood oo ay keentay kooxda LA Lakers halka kooxda Boston Celtics ay heshay 79 dhibcood.

Kooxda LA Lakers ayaa la guddoonsiiyay koobkii NBA-da ee dalka Maraykanka ee sanadkan 2010-ka.

XS
SM
MD
LG