Isku xirrada

War

Koonfurta Sudan oo noqotay Dal Cusub


Koonfurta Sudan oo noqotay Dal Cusub

Koonfurta Sudan oo noqotay Dal Cusub

Koonfurta Sudan ayaa maanta noqotay dal cusub oo madax banaan. Juba waxaa ka socda xafladdo loogu dabaaldeggayo dhalashada dalkan cusub.

Koonfurta Sudan ayaa maanta noqotay dal cusub oo dunida ku soo biiiray. Afhayeenka Koonfurta Sudan James Wagi Igga ayaa ku dhawaaqay dhalashada dalkan cusub ee Koonfurta Sudan oo ka go'ay Sudan inteeda kale.

Madax ka kala socota caalamka oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki Moon, madaxweynaha Waqooyiga Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka qeybgalay xafladda dhalashada cusub ee Koonfurta Sudan oo ka dhacaysa magaalada caasimada u noqonaysa dalkan cusub ee Juba.

Kumanaan dad ah ayaa sameynaya dabaaldegyo ka socda garoonka ciyaaraha, waxaana la saaray calan cusub oo ay Koonfurta Sudan leedahay, iyadoo la dajiyay calankii Waqooyiga Sudan.

XS
SM
MD
LG