Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kofi Anan oo is-casilaya


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Kofi Anan uu iska casilayo ergaynimada gaarka ah ee QM iyo Jaamacadda Carabta ee arrimaha Syria.
Ban Ki Moon ayaa sheegay inuu ka xun yahay iscasilaadda Kofi Anan.
Moon wuxuu sheegay in talaabadii diblomaasiyadeed ee lagu doonayay in lagu joojiyo colaadda Syria aan laga faaideysan.
Mucaaradka Syria ayaa iyagoo isticmaallaya taangi weeraray saldhig military oo ciidamada Syria ay ku leeyihiin magaalada Aleppo.
Ciidamada Syria ayaa dib ugu durkay Aleppo iyagoo taangiyo iyo gantaallo ku garaacaya deeggaanka istiraatiijiga ah ee Salaxudin oo ka tirsan Aleppo.
XS
SM
MD
LG