Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo u dhexeeya maleeshiyo qabaa'il ay maanta duhurkii ka bilowdeen magaalada.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa VOA u sheegay in dagaalladan ay ku dhinteen ilaa 10 qof, 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Wararka qaar ayaa tirada intaasi ka badinaya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilwoday markii dilal ay ka dhacayeen magaalada. Dilkii ugu dambeeyey ee colaadda maanta huriyey ayaa la sheegay inuu dhacay kaidb markii ciidamo ay toogteen nin hubaysan.

MiRasaasta ayaa la sheegay inay ugu horrayn ka bilaabatay xaafadda Calanley ee Kismaayo, markii dambena ay ku faaftay xaafadaha kale sida Aarikada.

Maamulka Kismaayo ayaan weli ka hadlin dagaalkan.

Hoos ka dhagayso warbixinta Caasha Ibraahim Aadan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:59 0:00
XS
SM
MD
LG