Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kim Jong oo Maanta La Aasay


Pakistan's newly elected Prime Minister Nawaz Sharif (2nd R) arrives to inspect the guard of honor during a ceremony at the prime minister's residence after being sworn-in, in Islamabad June 5, 2013.
Pakistan's newly elected Prime Minister Nawaz Sharif (2nd R) arrives to inspect the guard of honor during a ceremony at the prime minister's residence after being sworn-in, in Islamabad June 5, 2013.

Aaska hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il ayaa maanta ka dhacday magaalada Pyongyang, halkaasoo tobanaan kun oo qof ay isugu soo baxeen xaflad laba maalin socon doonta isla markaana awoodda loogu wareejinayo wiilka ugu yar caruurtiisa, Kim Jong Un.

Xafladda aaska waxaa qariyay Baraf iyo ceeryaamo. Gaari nooca madaxda lagu qaada ah oo la dul saaray naxash ka sameysan muraayad oo uu ku jiro meydka Kim Jong Il, naxashkaas oo uu ka hooseeyay ubax cad cad oo dalkaasi baroor diiq ahaan looga isticmaala, ayaa hogaaminayay baabuurtii galbineysay meydka.

Muqaalo laga sii daayay Televisihinka Qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinayay Madaxweynaha Cusub Kim Jong Un oo dhinac lugeynaya gaarigii siday meydka aabihii, markii uu ka dhaqaaqayay fagaare weyn oo la yiraahdo Kumsusan Memorial Palace. Kim ayaa xirnaa Jaakad Madow, wxuuna hoos u dhigayay madaxa si uu uga gambado baraf dhacayay.

Ciidamada ayaa buuxiyay fagaaraha iyadoo ilaallo muuqaal midabbo badan leh ay socod kuu mareen goobta.

XS
SM
MD
LG