Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khubarro Ka Hadashay Xaaladda Soomaaliya


Khubarro u kuur gala arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya, waxa uga sii daray.

Dad badan oo arrimaha Soomaaliya la socda oo jooga gudaha iyo dibadda waxay sheegayaan in sida ay hadda wax u socdaan ay tahay xaalad rajo beel ah. Dhiigga oo si joogta ah u daadanayo caasimadda gudeheed, iyadoo dowladda amma al-Shabaab midkoodna uusan awoodi karin inuu kan kale ka guuleysto.

Khabiir ka tirsan Ururka Xasaradaha Caalamiga E.J. Hogendoorn ayaa ku macneeyay in taasi ay sabab u tahay in beesha caalamka ay khatarta al-Shabaab uga jawaabeyso military ahaan, ka sokow siyaasad ahaan.

Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM, ayaa waxay ku dhiirigelinayaann dalalka Afrikaanka ah inay ku biiraan Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo u diraan Soomaaliya si loo difaaco dowladda KMG ah.

Khabiir aad ugu kuur gala arrimaha Soomaaliya oo fadhigiisu yahay dalkan Maraykanka Michael Weinstein ayaa sheegay guul darro ka haysata beesha caalamka inay dhisto dowlad kmg ah oo wax ka qabata al-Shabaab ay sidoo kale tahay caqabad weyn oo taagan.

Khabiirkan ayaa sheegay in qof kastaa uu qiyaasi karo waxa xiga ee Soomaaliya ka dhici doona.

XS
SM
MD
LG