Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka Madaxda DKMG


Khilaafka Madaxda DKMG
Khilaafka Madaxda DKMG

Ilo madax banaan ayaa sheegaya inuu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya madaxda DKMG, waxaana wali u socda wadahadallo.

Tan iyo markii uu todobaadkii hore soo if baxay khilaafkii ka dhashay kala diridii xukuumadii Sharma'arke, ayaa VOA-du waxay helaysaa warar madax banaan oo sheegaya inuu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada Mas'uul, waxaana dhinaca kale socda wadahadalo aan joogsi lahayn oo labada mas'uul laysugu soo dhoweynayo.

Daahir Mire Jibriil oo ka mid ah dadka siyaasada Soomaaliya odorasa ayaa sheegay inay suurta gal tahay in xil dublamaasiyadeed oo la siiyo ra'iisul-wasaare Sharma'are ay suurtagalin karto khilaafka oo la xaliyo.

Dhanka kalena waxaa golaha baarlamaanka dhexdiisa ka socota hawshii lagu soo dooranayay guddoomiye cusub oo hoggaamiya baarlamaanka, ilaa 5 musharax oo uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haatan soo gudbiyay codsiyadooda ay ku doonayaan inay xilkaasi u tartamaan. Waxaana lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa sida uu VOA-da u sheegay Xildhibaan C/laahi Cali Aadan (Shaleetey) la soo gabagabeeyo hawsha lagu dooranayo guddoomiyaha cusub.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiyo la xiriirra khilaafka Shariif iyo Sharma'arke iyo qaban-qaabadda doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG