Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka Baarlamaanka oo Weli Taagan.


Khilaafka Baarlamaanka oo Weli Taagan.
Khilaafka Baarlamaanka oo Weli Taagan.

Khilaafka xubnaha baarlamanaka Soomaaliya ayaa u muuqda mid aan damayn, iyada oo ay soo baxayaan eedaymo hor leh oo la is waydaarsanayo.

Waxaana cabsi ah in khilaafkani uu curyaamiyo dawladda iyo inay dhalan karto loollan siyaasadeed oo aan ku koobnaanin baarlamaanka dhexdiisa.

Xildhibaan ka tirsan taageerayasha Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa eedayn u jeediyey Wasiir ka tirsan dawladda.

Xildhibaanada qaar aya aku doodaya in xilligii guddoomiyennimada baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Shekeh Adaan Madoobe” uu dhammaaday, halka kuwo kalena ay aamisan yihiin fikradaas inana waxba ka jirin. Haddaba mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa isagu ku eedeeyanya Wasiirka Malaiyadda Shariif Xasan Shekeh Aadan inuu ka dambeeyo ololaha ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waa markii ugu horraysay ee xubin ka mid ah xubnaha baarlamanaka ee taageersan Sheekh Adan Madoobe aya si weyn u weeraraan Wasiirka Malaiyadda.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa u sheegya idaacadda VOA in Wasiirka maaliyaddu uu ka dambeeyo khiaafka.

Xiuldhibaan Maxamed Xuseen Afaraale waxa uu ku doodayaa in xildhibaannada ka soo horjeeda Guddoomiaha Baarlamaanka ay qaldan yihiin.

Hase yeeshee mid ka mid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa si weyn u beneiyey in ololahooda uu ka dambeeyo Shariif Xasan Sheekh Adan.

Guddoomiyaha Baarlamanaka Sheekh Adan Madoobe iyo Gudodomiye isaga xilkaais uga hiorreeyey Shariif Xasan waxay hore ugu tartameen isla jagadaais xilligii la dhisay baarlamanaka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomalaiya sannadkii 2004.

Horraantii sanandkii 2007 ayaa Gudodomiyennimada Baarlamanaka loo doortay Sheekh Adan Maxamed Nuur kaidb markii ShariiF Xasan Shekeh Aden ka soo horjeestay soo gelitanakii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomalaiya.

Xildhibaan Afaraale waxa uu sheegay inana haatan tartan awoodeed oo labada nin u dhexeeya anau jirin, balse waxa uu sheegay in khilaafku ku arooro arrimo dhinaca isla xisaabtanka ah.


Maalmaha soo socda ayey kala caddaan doontaan in khilaafkani uu so oaf-jarmo iyo inuu sii jiitamo.

XS
SM
MD
LG