Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf Soo Dhexgalay Baarlamaanka


Khilaaf Soo Dhexgalay Baarlamaanka
Khilaaf Soo Dhexgalay Baarlamaanka

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso 50 xildhibaan, ayaa maanta sheegay inuu dhammaaday xilliga guddoomiyanimo ee Sh. Adam Maxamud Nur (Sh. Adan Madoobe).

Mudanayaashan, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ku eedeeyey guddoomiye Sh. Aadan Madoobe, inuu caqabad ku yahay habsami u socodka howlaha baarlamaanka Somalia.


Ha yeeshee Sh. Aadan Madoobe, oo isna la hadlay VOA-da, ayaa gaashaanka u daruuray eedeymahaas, wuxuuna sheegay inay eedeymahaas hurinayaan xildhibaanno gadoodsan.

Mudanayaasha maanta kulanka yeeshay ayaa ku doodaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu waqtigii ka dhamaaday.

Xildhibaan Cumar Islow oo u hadlay xildhibaanadii kulanka yeeshay ayaa VOAda uga warramay ujeedada kulankooda:-

Sida ay tilmaamayaan xildhibaanada kulanka yeeshay bishii sideed ayaa xilku kaga ekaa guddoomiyaha waa maxay sababta ay imika uga hadleen waa kan markale xildhibaan cumar islow.

Xildhibaanadan ayaa codsanaya in doorasho cusub la sameeyo oo baarlamaanku isku yimaaddo.

Guddoomiyaha baarlamanka Sh Aaden Madoobe oo isagua waraysi siiyay VOAda ayaa ka jawaabaya eedaynta xildhibaanada waxaana uu tilmaamay in sida uu sheegay uu xilka ku hayo si sharciga waafaqsan

Guddoomiyaha ayaa u arka in khilaafkan uu arrimo kale salka ku hayo isaga oo ku tilmaamay dano siyaasadeed iyo qaar shakhsi .

Xubno kale oo ka mid ah xildhibaanada ayaa iyagu qaba inaanay banaanaynba in xillgan laga hadlo arrimahan oo kale iyaga oo taasi ku macneeyoy sababo kala duwan , xildhibaanada sidaas qaba ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdirashiid Cali Cabdulle Shabeel :-

Muranada u dhexeeya xildhibaaanada ayaa ah kuwa marar badan soo nqonoqda maxay yihiin hadaba saamaynta uu murankani ku yeellan karo baarlamaanka haattan jira, waa qodob ay ku kala aragti duwanyihiin xildhibaandu balse Xubin hore uga tirsanaa baarlamaanka oo lagu magacaabo Xildhibaan Cali Baashe Xaaji Maxamuud ayaa isagu u arka in baarlamaanka imika jiraa aanu wax badan qaban kariin.

Si kasta oo ay ahaataba waxaa hubaal in ka sokow muranka haattan soo cusboonaaday ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran shaqada baarlamaanka oo ay ka mid yihiin dhaqaale yari, amani xumo waxaana laga dhursugi doonaa sida ay xubnaha baarlamaanku u maareeyaan murankan sooo cusboonaaday marka ay yeeshaan fadhiyadooda soo socda.

XS
SM
MD
LG