Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Xasuuqii Waagala oo la xusayo


Kenya: Xasuuqii Waagala oo la xusayo
Kenya: Xasuuqii Waagala oo la xusayo

Wasiirka gobollada Waqooyi ee dalka Kenya ayaa sheegay in ujeedada xuskani ay tahay sidii uusan dib dambe ugu dhici lahayn xasuuq kale.

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay waxa ay si rasmi ah u xuseysaa mid ka mid ah xasuuqyadii loo geystay Soomaalida Kenya oo kii ugu weynaa uu ka dhacay degmada Wajeer 1984-kii.

Xasuuqaasi ayaa ka dhacay fagaaraha Wagaala ee gobolka Waqooyi Bari ee Keyna, halkaasoo la sheegay in lagu dilay inka badan 3,000 oo ruux.

Hadaba xuskaasi ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dowladda Kenya ka tirsan oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Raila Odinga.

XS
SM
MD
LG