Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Waxaan Duqeyn doonaa 10 Magaallo


Kenya: Waxaan Duqeyn doonaa 10 Magaallo
Kenya: Waxaan Duqeyn doonaa 10 Magaallo

Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan weerarro ay ku qaadi doonto saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay 10 magaallo oo ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir ayaa fariin uu ku qoray bogga Twitter wuxuu u digay dadka degan tobankaasi magaallo oo uu sheegay inay macquul tahay in ciidamada cirka ee Kenya ay la beegsadaan weerarro socon doona.

Magaallooyinka uu afhayeenku sheegay waxaa ku jira; Baardheere, Baydhabo, Afgooye, Buaale, Baraawe, Jilib, Kismaayo, Afmadow iyo Diinsoor.

Lama oga wakhtiga rasmiga ah ee weerarradan dhici doonaan, balse Afhayeenka ayaa dadka degan magaalooyinkan uga digay inay ka foggaadaan xarumaha iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab leedahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa Axaddii weerar duqeyn ah u geystay magaalada Jilib, waxaana weerarkaasi hay'adda MSF ay sheegtay inay ku dhinteen 5 qof oo rayid ah oo ku jiray xero barakacayaal ah oo ku taalla Jilib.

XS
SM
MD
LG