Isku xirrada

War

Kenya: Soomaalida ku xiran Mombassa


Kenya: Soomaalida ku xiran Mombassa

Kenya: Soomaalida ku xiran Mombassa

Mid ka mid ah maxaabiista Soomaalida ee ku xiran xabsiga Mombassa ayaa sheegay in la xiray iyagoo u tahriibayay dalka Yemen.

Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiga Mombassa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku jiraan dad tahriibayay dalka Koonfur Afrika.

Abshir Daahir Cabdi oo ka mid ah maxaabiista ku xir xiran magaalada Mombassa ayaa VOA-da u sheegay inuu ka mid ahaa Soomaali tahriib ugu sii socotay dalka Koonfur Afrika.

Waxa uu sheegay in xabsigaasi ay ku jiraan Soomaali tiradoodu u dhaxeyso 300 ilaa 400 oo qof.

Kenya ayaa sidoo kale xabsigeeda magaalada Mobassa ay ku xirtay Soomaali lagu eedeeyay inay yihiin burcadbadeednimo.

XS
SM
MD
LG