Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka Hadashay Raashin Dhacay oo La Qabtay


Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ka hadashay raashin dhacay oo shalay lagu qabtay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Raashinkan ayaa la sheegay in hay’adda WFP ay u waday deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay WFP oo la soo gaarsiiyay Xafiiska VOA ee magaalada London ayaa lagu beeniyay in raashinkii shalay lagu qabtay Garoonka Muqdisho uu waqtigiisu dhacsanaa.

Warkan ayaa lagu sheegay in dhowr jawaan oo ka mid ahaa raashinkaa ay waxyeelo soo gaartay intii ay bakhaarka ku jireen – dhinacna loo dhigay si loo daadiyo – laakiin saraakiisha Canshuuraha ee Garoonka ay u qaateen si khalad ah in la doonayay in la raro oo lagu darro raashin kale oo loo waday gobolka Gedo.

WFP waxey sheegtay in la xiray mid ah shaqaalaheeda laakiin haatan la sii daayay. WFP waxey codsatay in raashinkaasi loo fasaxo gacanna laga siiyo sidii looga takhalusi lahaa.

Warkan waxaa lagu yiri, badqabka dadka aanu cawineyno wuxuu noogu jiraa mudnaanta 1aad waxaana qaadeynaa talaabo kasta oo lama maarmaan ah in raashinka aan bixineyno uu noqdo mid tayo leh oo bad qaba.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Cabdicasiis Saalax Carmaan oo la soo xiriiray VOA –da ayaa si kulul uga hadlay raashinka dhacay ee lagu qabtay garoonka.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa ugu horrayn weydiiyay waxa ay ka cabanayaan.

Wareysi: Wasiirka Beeraha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG