Isku xirrada

Kenya oo Xirtay Nin Shabaab ah oo ku Socday Soomaaliya


Shabaab

Shabaab

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Jimcihii booliiska dalkaasi ay xireen nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab oo kusii jeeday dalka Soomaaliya laguna magacaabo Javan Morton Murai oo sidoo kale loo yaqaan Jamal.

Waxaa la sheegay ninkaasi in lagu qabtay gobolka Marsabit isagoo usii baqoolaya dhinaca Soomaaliya.

Ninkaasi oo 27 jir ah ayaa la sheegay inuu arday ka yahay jaamacadda Kabarak University uuna kasoo jeedo Gobolka Vihiga County

Warar ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in ninkaasi lagau qabtay isagoo wata alaabooyin laga sameeyo waxyaabaha qarxa, maskax kombiyuutar, dhowr aqoonsi iyo buug ay ku kaydsan tahay xog la xiririta argagixisonimada.

Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan waaxda dambi baadhista ayaa sheegay in ninkaasi xabsiga uu kusii jirayo 14 maalmood iyadoo dacwad oogistu ay dalbatay 30 maalmood.

XS
SM
MD
LG