Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Taageerro ka Dalbatay Dalalka Carabta


Kenya oo Taageerro ka Dalbatay Dalalka Carabta
Kenya oo Taageerro ka Dalbatay Dalalka Carabta

Dowladda Kenya ayaa dalalka Carabta ka dalbatay taageerro dheeri ah si ay Kenya gacan uga siiyaan baacsiga kooxda Al-shabaab oo ay Kenya sheegtay inay weerarro iyo amni darro ku heyso xadka ay wadaaggaan Soomaaliya iyo Kenya

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya Lindsay Kiptiness, ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso inay taageero ka hesho Jaamacadda Carabta iyo dalalka Muslimka ah sida Turkiga iyo Iran kuwaas oo horey taageerro ugu fidiyay DKMG ah ee Soomaaliya

Lindsay Kiptiness wuxuu sidoo kale sheegay in Kenya ay u gudbin doonto Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay codsi la xiriirra in howlgalka Nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee AMISOM lagu fidiyo Soomaliya oo dhan oo aan lagu koobin caasimadda Muqdisho oo kaliya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay weydiisan doonaan xoogagga AMISOM iyo ciidamada DKMG ah inay gacan ka geystaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa koonfurta Soomaaliya marka ay ugu danbeyn ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG