Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Qarka u Saaran inay ka Baxdo Heshiiskii ICC


Kenya oo Qarka u Saaran inay ka Baxdo Heshiiskii ICC
Kenya oo Qarka u Saaran inay ka Baxdo Heshiiskii ICC

Baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay inuu ka doodo Mooshin uu u soo gudbiyay mudane ka tirsan baarlamaanka.


Baarlamaanka dalka Kenya ayaa bilaabay inuu ka doodo mooshin dalbaya in Kenya ay ka baxdo heshiiskii Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ee ICC.

Mooshinkaasi ayaa waxaa soo diyaariyay William Ruto oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka xannaanada iyo xoolaha ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa VOA-da u sheegay in xildhibaanadu ay muuqdeen kuwo mowqif ku gaaray in Kenya ay ka noqoto heshiiskii ay saxiixday ee ICC.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Maxkamadda ICC ay shaacisay magacyada shakhsiyaad Kenyan ah oo ay ku jiraan kuwo xilal hore ka soo qabtay dowladda Kenya.

XS
SM
MD
LG