Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo ka hadashay Dastuurka Cusub


Kenya oo ka hadashay Dastuurka Cusub
Kenya oo ka hadashay Dastuurka Cusub

Madaxda dalka kenya oo isugu jira muxaafid iyo mucaarid waxay shacabkooda u sheegeen in loo hogaansamo dastuurka cusub.

Maalin ka dib markii lagu dhowaaqay natiijada ka soo baxday dastuurka cusub ee dalka Kenya ayaa waxaa muuqata in shacabku ay hal waddo raaceen.

Siyaasiyiinta dalka Kenya oo isugu jira muxaafid iyo mucaarid ayaa tilmaamay in lagu kala baxay loollankii ku aadanaa aftida dastuurka cusub, iyagoo ugu baaqay shacabka dalkaasi inay ku dhaqmaan xeerarka dastuurka cusub.

Madaxweynaha dalka Kenya Moi Kibaki iyo saraakiil dowladda ka tirsan oo uu ra’iisal wasaare Raila Odinga ka mid yahay waxay ansixinta dastuurka cusub ku tilmaameen guul u soo hoyatay shacabka dalka Kenya.

Waxaana dastuurkaasi la filayaa inuu hoos u dhigo awoodaha madaxtooyada, lana dagaalami doono musukhmaasukha sida ba’an ula degay dalkaasi.

William Rut oo isagana ka mid ahaa mucaaradka dastuurka cusub ayaa isagana sheegay inuu soo dhoweynayo natiijada, uguna baaqay taageerayaashiisa inay u hogaansamaan.

XS
SM
MD
LG