Isku xirrada

War

Kenya oo Furaysa Xero Cusub


Kenya oo Furaysa Xero Cusub

Kenya oo Furaysa Xero Cusub

Dowladda Kenya ayaa ogollaatay furitaanka xeradii afraad oo loogu talagalay qaxootiga Somalida ee ka cararaya colaadda iyo abaaraha

Dowladda Kenya ayaa ogollaatay furitaanka xero afraad oo la magac baxday IFO-2, Xeradan ayaa waxaa loogu talagalay qaxootiga Somalida ee ka cararaya colaadda iyo abaaraha.

Raisal-wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegay in xeradan cusub la furi doono muddo toban cisho ah.

Faarax Macalin, kuxigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa VOA u sheegay koror ku yimid qaxootiga ka imanaya Somalia ay keentay inay la furo xeradan afraad.

XS
SM
MD
LG