Isku xirrada

Kenya oo Dhaqangelisay Dastuur Cusub

  • Sahra Abdi

Xafladda waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaal Afrikaan ah iyo xogyihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.

Xaflad ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa si rasmi ah loo saxiixay dastuurka cusub ee dalka Kenya, kaasoo la sheegay inuu yahay kan ay laga bilaabo maanta ay ku dhaqmi doonto Kenya.

Xafladda oo ka dhacday fagaaraha Uhuru Park waxaa ka soo qeybgalay madaxweynayaasha dalalka Chad. Rwanda,Uganda, Sudan, iyo madaxweynihii hore ee dalka Tanzania.

Waxaa kaloo goob joog ka ahaa xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.

Madaxweynaha dalka Kenya Moi Kibaki ayaa saxiixay dastuurka cusub, isagoona halkaasi kaga dhaartay inuu dhaqan gelin doono.

XS
SM
MD
LG