Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Hay'adduhu Haku Noqdaan Koonfurta Somalia


Kenya: Hay'adduhu Haku Noqdaan Koonfurta Somalia
Kenya: Hay'adduhu Haku Noqdaan Koonfurta Somalia

Kenya ayaa ugu baaqday hay’addaha samafalka inay dib ugu noqdaan koonfurta Soomaaliya si loo caawiyo dadka baahan ee ku nool koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in goobaha ay ciidamda Kenya xorreeyeen ay ku nool yihiin dad baahan, sidaasi darteedna la doonaya in hay’addaha samafalku ay gobolladaasi ku soo noqdaan si ay dadkaasi u quudiyaan.

Dhanka kalena, Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in 31 qof oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku dileen dagaallo toddobaadkii hore ka dhacay koonfurta Soomaaliya, halka dhinacooda ay uga dhinteen 2 askari iyo waliba saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay inay gacanta ku dhigeen deeggaanka Kolbiyow oo uu sheegay inuu saldhig weyn u ahaa kooxda Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso cid walba oo taagerro ka geysanaysa howlgalka military ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG