Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Gabar Soomaali Ah Oo La La' Yahay


Umul Khey - Missing Girl
Umul Khey - Missing Girl

Dalka Kenya ayaa waxaa kusoo badanaya caruurta la waayo, ayada oo dhacdadii ugu dambeysay ay ku lug leedahay gabar Soomaali ah oo iminka la la’ yahay muddo hal bil ah.

Gabadhan oo lagu magacaabo Umul Kheyr oo 14 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka siddeedaad, ayaa waxaa la waayey lixdii bishii October, sida ay VOA u sheegtay Ruqiya Xaamud oo ah hooyadeed.

Ruqiya ayaa waxa ay sheegtay inuu jiro buug ay gabadha qortay oo laga soo bixiyey meel ay ku qarisay, kaasi oo laga yaabo inuu raad ka bixin karo sababaha gabadha loo waayey. Buugga ayaa waxaa ay Umul Kheyr ku qortay inay dhibsatay nolosha iyo dharka islaamiga ah ee ay xirato.

Waxa ay sidoo kale ku qortay inay jeclaan lahayd inay xirato dhar dabacsan, sida goonooyinka gaagaaban, islamarkaana ay noqoto fannaan. Waxa ay dhageysan jirtay heesaha fannaanka Justin Bieber.

Ruqiya waxa ay sheegtay in arrintaas ay mar walba isku qaban jireen gabadheeda, una sheegi jirtay inay tahay gabar muslimad ah, oo aan loo ogoleyn fanka.

Weriyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa la kulmay hooyo Ruqiya Xaamud, oo ka wareystay dhacdadan.

Gabar Soomaali ah oo la la'yahay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00

XS
SM
MD
LG