Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Dagaal Dhex Maray Dhurwaa Iyo Dad


Dagaalka labada dhinac ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dadka deegaanka ah, sida uu kusoo warramayo weriyaha VOA ee magaalada Nairobi Yaasiin Ciise Wardheere.

Tuulooyin iyo deegaanno ka mid ah dalka Kenya ayaa waxaa sadexdii sanadood ee la soo dhaafay ku soo noqnoqonayay dhurwaaga dadka ku weerara guryahooda, oo dhibaato u geystay dad badan.

Dhawaan ayaa koox dhurwaayo ah oo weerar soo qaaday iyo dadka deegaanka waxaa uu dagaal ku dhex maray deegaanka Kariijo ee dalka Kenya.

Dagaalka labada dhinac ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dadka deegaanka ah, balse ugu dambeyn dhurwaagii ayaa laga adkaaday oo qoorta laga jaray.

Dhurwaaga ayaa sidoo kale dilay xoolo u badnaa ari oo dadka deegaanka ay lahaayeen.

Wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere ayaa war sheekadan la xiriira kasoo diray magaalada Nairobi.

Dhageyso: Dad iyo Dhurwaa Dagaalamay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

XS
SM
MD
LG