Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Bam Ayaa Soo Riday Diyaaradii A-321


Madaxa hay’adda FSB Alexander Bortnikov ayaa sheegay in qaraxa diyaaradda uu ka dhashay aalad qaraxda ee TNT oo culeeskeedu ahaa 1.5 kiilo.

Madaxa sirdoonka Russia ayaa talaadada sheegay in diyaaraddii dadka badan ay ku dhinteen ee bishii tagtay kusoo dhacday gobolka Siinaay ee dalka Masar uu soo riday fal argagixiso.

Waxa uu shaaca ka qaaday in waxyaabaha qarxa laga helay burburkii diyaaradda iyo boorsooyinkii saarnaa.

Sida uu ku warramay aqalka Kremlin-ka madaxa hay’adda FSB Alexander Bortnikov ayaa sheegay in qaraxa diyaaradda uu ka dhashay aalad qaraxda ee TNT oo culeeskeedu ahaa 1.5 kiilo.

Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa wacad ku maray inuu soo heli doono oo uu ciqaabi doono qof kasta oo falkaas mas’uul ka ahaa, waxaana uu ugu baaqay saaxiibada Russia inay gacan ka geystaan sidii lagu soo heli lahaa.

Diyaaraddii Metrojet A-321 oo ka dhooftay magaalada Sharm el-Sheikh kuna socotay St. Petersburg ayaa jasiirad u yaalka Siinaay ku burburtay, waxaana ku geeriyooday dhammaan 224-kii qof ee saarnaa.

XS
SM
MD
LG