Isku xirrada

War Deg-Deg ah

48 ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Degaanka u Dhow Lamu


Booliiska Kenya
Booliiska Kenya
Dablay hubaysan ayaa weerar ku qaadday degaanka Mpeketoni ee xeebta Lamu ee dalka Kenya oo caan ku ah dalxiiska.

Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in ilaa haatan la xaqiijiyey dhimashada 48 qof, kuwo kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Dablayda hubaysan ee weerarka qaadday ayaa la sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhig booliis, huteello iyo weliba kaalin shidaal.

Cabaas Guuleed oo madax ka ah Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa u sheegay VOA qaybta Sawaaxiiliga maanta in dablaydu ay weerareen goobtaasi xilli ay dadku iskugu soo ururureen inay daawadaan ciyaarta kubadda cagta adduunka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in toogashadu ay socotay dhowr saacadood.

Ilaa hadda ma jirto cid si buuxda u sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo ay ku jirto ururka al-Shabab.
XS
SM
MD
LG