Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenay: 4 Shabaab Ah Ayaan ku Dilnay Xadka


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaa lagu sheegay in afartan maleeshiyo lagu dilay iska-horimaad ka dhacay xuduuda.

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay iska horimaad ayaga iyo ciidamada ammaanka ku dhex maray xududda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in iska horimaadka oo ka dhacay keymaha Boni ee xuduudda Soomaaliya, lagu dhaawacay laba maleeshiyo oo kale, kuwaas oo baxsaday ayaga oo dhaawac ah.

Kenya waxa ay sheegtay in iska hor-imaadka uu yimid kadib markii ciidamada ay heleen raadka baabuur Ford Ranger ah, oo bishii December ay Al-Shabaab ka xadeen ciidamada, kadibna ay eryadeen.

Waxaa warsaxaafeedka lagu sheegay in ciidamada ay soo furteen baabuurkaas, iyo sidoo kalena qoryo AK-47 ah, saddex bastoolad, waxyaabaha qarxa iyo aaladda hagta babauurta ee GPS, oo ay Al-Shabaab siteen.

Kenya waxa ay sheegtay in wax khasaare ah uusan ciidamadeeda kasoo gaarin iska hor-imaadkan.

XS
SM
MD
LG