Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Afar Askari oo lagu Dilay Gariiley


Kenya: Afar Askari oo lagu Dilay Gariiley
Kenya: Afar Askari oo lagu Dilay Gariiley

Booliska Kenya ayaa sheegay in lix qof oo afar ay ka tirsan yihiin ciidamada Amniga iyo laba qof oo rayid lagu dilay weeerar xalay lagu qaaday ciidamada amniga Kenya ah oo ku sugnaa deegaanka Gariilley oo u dhow degmada Wajeer.

Weerarkaasi ayaa waxaa soo qaaday dabley hubeysan.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in 4 qof oo qaarkood ay shaqaale dowladeed yihiin iyo baabuur laga afduubtay Wajeer oo haatan aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin ku saabsan weerarka Garilley.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixin ka hadlaysa saameynta howlgalka ciidamada Kenya ee Somalia iyo amni-darada deeggaannada xuduudka uu ku reebay ganacsiga iyo Amniga Kernya.

XS
SM
MD
LG