Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ellison oo Dalbaya in la Baaro Toogashada Laba Soomaali ah


Keith Ellison
Keith Ellison

Mudanaha Aqalka Congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa ka codsadey Waaxda Cadaaladda ee dalkan Mareykanka in baaritaan lagau sameeyo toogashadii dhawaan lala eegtey rag Somali Mareykan ah, kuwaasoo ku labisnaa Khamiisyada dhaqan ahaan ay Islaamku gashadaan.

Dhalinyaradan ayaa ku sii socdey Salaadda Tahajudka ee xilliga habeenki Cishaha ka dib la dukado.

Abaare 2:00 habeenimo ayey dhalinyaradan isku dhaceen nin hubeysan, kaasi oo rasaas ku furey dhalinyaradan isagoo dhaawacay laba ka mid ah oo fadhidey kursiga danbe.

Wararka ayaa sheegey in ka hor intuusan ragan rasasata ku furin uu ninkan ku hadlaayey ereyo hanjabaad ah oo Islaam naceyb ku jiro.

Booliska magaalada ayaan wali aqoonsan ninka toogashada gaystey. Mudane Allison ayaa qoraalkiisa ku sheegey in bulshadiisa gobolka, gaar ahaana gobolka oo hoy u ah Soomaalida ugu badan ee dalkan Mareykanka joogta ay arrintan walaac ku heyso.

Waxaa kale oo uu sheegey inuu aaminsan yahay in dhacdadan ay salka ku heyso arrimo diimeed oo keeney in dhalinyaradan la weeraro, isagoo sheegey in arrintan ay u baahan tahay in baaris qotodheer lagu sameeyo.

XS
SM
MD
LG