Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kampala: Bam aan qarxin oo la helay

Kampala: Bam aan qarxin oo la helay
Kampala: Bam aan qarxin oo la helay

Ciidamada ammanka Uganda ayaa goob lagu caweeyo ka helay qalabka la isku qarxiyo oo aan wali qarxin.

Saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ayaa tilmaamay in ay u muuqato in qofkii is qarxin lahaa uu daqiiqadihii u dambaysay ka noqday go’aankiisa.
Afahyeenka booliska Uganda Judith Nabakooba ayaa sheegtay in qalabkan oo uu ahaa qalabka ay xidhaan dadka naftooda qarxiya.
Goobta qaraxaasi lala damacsnaa ayaa ahayd goob lagu caweeyo oo ay yimaaddaan dad badaan oo ajaanib ah.
Talaabaddan ayaa imanayasa iyada oo ay tirada dadkii ku dhintay qarxaydii Axaddii ka dhacay Kampala ay marayaan 78 qof.
Gees kale Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka ee Uganda ayaa markii ugu horaysay tilmaamay in ay qaraxyadii Kampala ay ku lug lahaayeen urur mucaarad ah oo ka jira waddankaasi oo lagu magacaabo ADF kuwaasi oo sida uu sheegay iskaashi la sameeyay kooxda al Shabab.

XS
SM
MD
LG