Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kabul: Taliban Oo Qabsatay Hotel


kooxda Taliban ayaa weerar ku qaaday hotel caan ah oo haro- biyood ku ag-yaal duleedka Magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaas oo ay ku qabsadeen tiro dad rayid ah oo ay ku jireen dumar iyo caruur.

Weerarkaasi ayaa dhaliyay in kooxda ay muddo saacado ah rasaas isweydaarsadaan ciidamada amaanka ee Afghanistan.

Booliska ayaa sheegay iney jirto dhimasho, iyagoo weliba isku dayaya iney helaan qaab kale oo ay ku gali karaan gudaha hotelka, iyagoo aan sababin dhimashada dad kale oo rayid ah.

Boosliku waxey intaasi ku dareen in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Taliban oo ku hubeysan gantaalada garbaha laga gano iyo qoryaha Kalashnikovka , ay hotelka ka soo weerareen dhinaca harada la yirahdo Qargha habeenkii Qamiista ee xalay, halkaaso qoysas iyo dad kale oo marti ahaa ay ku sugnaayeen si ey ugu xafladeeyaan.

Hotelka ay kooxdu Qabsatay ayaa waxaa lagu yaqaanaa iney adeegsadaan dadka hantileyaasha ah ee reer Afghanistan, ganacsatada iyo dadka Ajaanibta ah.

Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii madaxweynaha Afghanistan Hamid Karzai uu u sheegay Baarlamanka dalkaasi in weerarada ay kooxaha iska caabinta ku qaadayaan Booliska iyo milatariga Afghanistan ay sii kor dhayaan xilli ciidamada dagaalka ee shisheeye ee dalkaasi jooga ay u diyaar garoobayaan iney halkaasi ka baxaan.

XS
SM
MD
LG