Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ka Bixitaanka Britain ee Midowga Yurub oo Taageero Kale Helaya


Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa London ayaa sheegay in laba ra’yi uruurin oo mid si Online lagu qaaday midna dhinaca taleefonka ay muujinayaan inay kordhayaan dadka British-ka ah ee doonaya in dalkaas uu ka baxo ururka Midowga Yurub.

Ra’yi uruurinta Guardian/ICM ee dhinaca taleefonka ayaa muujineysa in 45% dadka ay doonayaan in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, halka 42% ay doonayaan inay kasii mid ahaadaan, ayada 13% aysan weli go’aan gaarin.

Sidoo kale, ra’yi uruurinta dhinaca Online-ka ayaa Iyana muujineysa in 47% dadku ay doonayaan in Britain ay ka baxdo ururka Midowga Yurub, halka 44% ay doonayaan inay kasii mid ahaadaan, ayada oo 9% aysan weli go’aan qaadan.

Islamarkaana, ganacsatada Britain ayaa ka digaya in ka bixitaanka ururka 28-ka dal ka kooban ee Midowga Yurub, ay keeni karto arrimo ay ka mid yihiin shaqooyin badan oo dhinaca warshadaha oo luma, islamarkaana Britain ay noqoto dal aan soo jiidan doonin maalgashtayaasha.

Sidoo kale Midowga Ganacsatada Britain ayaa sheegay in Britain oo ka baxda Ururka Midowga Yurub ay dhimi doonto cel celis ahaan lacagta ay tododbaadkiiba mushahar ahaanta u qataan dadka British-ka ah.

XS
SM
MD
LG