Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Dibadbax Uu Hal Qof Ku Dhintay


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Qof ka ka tirsanaa ciidamada booliiska, ayaa ku geeriyooday banaanbaxa, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo kale.

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday dhowr kalena ay ku dhaawacmeen bananbaxyo rabshado wata oo manta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qofka dhintay ayaa lagu warramayaa inuu ka tirsanaa ciidamada booliiska. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dibad baxa 4 qof oo ay ku jiraan laba ka tirsan ciidamada booliska.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa dhallinyaro, ayaa ka cabanayay caddaalad darro ay ka tirsanayaan maamulka, waxaana ay iska hor yimaadeen ciidamada booliska.

Waxyaabaha ay dadka banaanbaxaya ka cabanayaan waxaa ka mid ah shaqo la’aan, hase yeeshee maamulka ayaa sheegay in banaanbaxan ay gadaal kasoo riixayaan siyaasiyiin dano kale leh.

Ciidamada ammaanka waxa ay isku hareereeyeen guriga guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa abaabulka banaanbaxyada.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu warramaya inay rasaas u adeegsadeen dadka dibad baxayey. Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale gooyey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Weiyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasin Jaamac ayaa ka warrameysa banaanbaxa, oo aan ka wareysanay.

Rabshado ka dhacay Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG