Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jordan oo Dishay 2 Qof oo ISIS Ka Tirsanaa


sajida al-rishawi
sajida al-rishawi

Sajida Al-Rishawi oo lagu eedeeyey in ay dooneysay fulinta fal is-maadaamin ah ayaa ka mid ahayd labada qof ee dilka lagu fuliyay, haweeneyd ayuu horay ururka Daacish u sheegay in uu ku beddelan doono duuliyaha la dilay ee dalka Jordan.

Xukunka lagu fuliyay labadan qof ayaa yimid kaddib markii ururka Daacish uu shalay internet-ka soo geliyay muuqaal muujiya duulihii dalka Jordan oo ku jira qafis kaasoo gaas lagu bilbilay kaddibna dab la qabadsiiyay.

Boqolka dalka Jordan boqol Cabdalla ayaa wacad ku maray in Jordan ay si weyn uga jawaabi doonto dilka loo geystay duuliyaha la dilay, isagoo falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah oo aan diinta Islaamka aan wax xiriir ah la lahayn.

XS
SM
MD
LG