Isku xirrada

War

Joe Biden oo ka dagay magaalada Nairobi

  • Sahra Abdi

M/weyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho sadex maalin ah uga bilaabatay Nairobi, Kenya

Booqashadan Joe Biden oo sadex cisho qaadan doonta ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo dalal ku yaalla qaarada Africa.

Joe Biden, madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka wuxuu madaxda dalka Kenya kala hadli doonaa arrimo fara badan oo ay ku jirto xaallada Somalia.

Safarka Madaxweyne-ku-xigeenka ee dalka Kenya ayaa waxaa ammaankiisa gacan weyn ka geysanaya ciidamo marinese ah oo ka tirsan Maraykanka, kuwaasoo sugaya amniga hotel-ka uu ka dagan yahay magaalada Nairobi.

XS
SM
MD
LG