Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Japan: Khasaaraha Dhulgariirka iyo Tsunamida


Japan: Khasaaraha Dhulgariirka iyo Tsunamida
Japan: Khasaaraha Dhulgariirka iyo Tsunamida

Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa kordheysa tirada khasaaraha dhimasho.

Meelaha ay isda ba’an ugu dhufteen dhulgariirkii qiyaastiisu ahayd 8.9 iyo Tsunamidii la socotay maalintii Jimcaha ahayd waxaa ka mid ah gobolka waqooyi-bari ku yaalla ee dalka Japan ee Miyagi.

Helicopterro kuwa militariga ah ayaa dul heehaabaya xeebta Miyagi, iyagoo qiimeynaya burburka, baadigoobayana cid badbaaday. Inka badan 15,000 oo qof oo samatabaxayaal ah, ayaa ilaa iyo hadda la helay.

Laakiin waxay si qeyral caadi ah u helayaan maydadka dad ku dhintay masiibadaasi.

Maanta oo isniin ah, magaalada Minami Sanriku oo katirsan gobolka Miyagi oo kaleiya, waxaa laga helay maydad lagu qiyaasay 1,000. Magaaladaasi dekedda ah waxay ka mid tahay deegaanada xiga dhanka xeebta ee jimcihii ay Tsunamidu xaaqday.

Booliska gobolka Miyagi wuxuu sheegay in dad kale oo kumaankun ah la la’yahay.

Hawlaha gurmadka qaarkood si kmg ah ayaa loo hakiyay, ka dib markii dowladdu ay soo saartay feejignaan la xiriirta Tsunami kale oo soo socota. Waxaana dadka ku sugan xeebaha loo sheegay inay si deg deg ah ugu baxaan dhulalka taagga ah.

Hase yeeshee hay’adda cilmiga dhulka ee dalka Japan ayaa daqiiqado ka dib sheegtay inaanu jirin hirar waaweyn oo la arkay.
Japan murugada ka haysata masiibada Tsunami waxaa u sii dheer, mid kale oo ka iman karta warshad quwadda Nuclearka ee fukushima, taasoo qarax labaad uu ka dhacay maanta barqadii, iyadoo shaqaalaha warshaddaasi ay ku dadaalayeen inay hoos u dhigaan kulayl xoog uu ka soo baxayay dab-dhaliyaha saddexaad ee warshaddaasi.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Japan ayaa amar ku bixisay in dadku ay qiyaastii 20 km ka fogaadaan halka ay ku taallo warshadda Fukushima, iyadoo dhanka kalena khuburo aqoon u leh dhaqdhaqaaqa dhulka ay qiyaasayaan in gobolkaasi laga yaabo maalmo gudohood uu ka dhaco dhulgariir qiyaastiisu ay noqon karto 7 magnitude.

XS
SM
MD
LG