Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuuriga oo Guullo ka Gaaray Doorashada


Hoggaaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka hoose John Boehner
Hoggaaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka hoose John Boehner

Xisbiga mucaaradka ee Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda aqalka Hoose iyo waliba 6 kursi oo katirsan aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xisbiga mucaaradka ee Jamhuuriga ayaa guullo waaweyn ka soo hooyay doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka ee shalay dhacay.

Xisbigu wuxuu helay aqlabiyadda aqalka Hoose oo wuxuu helay kuraas gaadhaysa ku dhawaad 60 kursi. Aqalka hoose waxaa maamulayay Dimoqraadiga oo doorashada shalay ku waayay kuraas ku dhow 60 kursi.

Sidoo kale xisbiga Jamhuurigu wuxuu helay ilaa 6 kursi oo ka tirsan aqalka Senate-ka. Xisbiga Dimoqraadiga ayaa haysta haatan aqlabiyadda aqalka Senate-ka wuxuuna ku hoggaaminayaa 51 kursi.

Kuraasta sida weyn loogu tartamay waxaa ka mid ah kursiga Senate-ka ee gobolka Nevada oo uu ugu danbeyntii ku guuleystay Harry Reid oo madax u ah aqalka sare ee Senate-ka Maraykanka.

Doorashada ka hor

Doorashada kaddib

XS
SM
MD
LG