Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti oo Diyaarisay Ciidanka Tagaya Muqdishu


Jabuuti oo Diyaarisay Ciidanka Tagaya Muqdishu
Jabuuti oo Diyaarisay Ciidanka Tagaya Muqdishu

Soomaaliya ayaa noqonaysa waddankii afraad ee ciidamada Jabuuti ay nabad ilaaliyayaal ka noqdaan iyadoo maalmaha soo socda ay ciidan dhan 850 soo gaadhayaan Muqdishu.

Dawladda Jabuuti ayaa ku jirta diyaar-garawgii ugu dambeeyey ee ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya.

Cutubka ugu horreeya ee ciidamada Jabuuti ayaa la filayaa inay maalmaha soo soda soo gaadhaan magaalada Muqdishu. Soo dirista ciidanka ayaa socon doonta ilaa bisha Janaayo si loo soo dhammaystiro ciidanka oo tiradiisu dhan tahay 850 askari.

Maanta waxaa Jabuuti ka dhacay munaasabad sagootin ah oo loo qabanayey ciidamada Jabuuti ee tegi doona Soomaaliya. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa ciidanka kula dardaarmay inay Soomaaliya u tagayaan inay caawiyaan dadka Soomaalida ah ee walaalahood ah.

Ciidamadan Jabuuti ayaa qayb ka noqon doona hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dawladda Jabuuti ayaa qaadday tallaabadan aan hore loo arkin ee ay ciidanka ugu dirayso Soomaaliya iyadoo caadiyan lagu yaqaanay laguna ammaanay inay martigeliso shirarka xalka loogu raadinayo Soomaaliya.

Soomaaliya waxay noqon doontaan waddankii afraad ee ciidamada Jabuuti ay nabad ilaalin ahaan uga hawlgalaan. Hore waxay ciidamada Jabuuti uga soo hawlgaleen waddamada Haiti, Rwanda iyo Ivory Coast oo ay haatan ka hawlagalaan.

Qeybta hoose ka dhageyso weriyaha VOA Djibouti oo ka hadlaya diyaargarowga ciidamada iyo wareysi aan la yeelanay Ismaaciil Wacays, La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti ee arrimaha dhaqaalaha.

XS
SM
MD
LG