Isku xirrada

Jabuuti iyo Ethiopia oo Kobcinaya Xiriirka


Djibouti

Djibouti

Mashaacriicda iminka socda, waxaa ka mid ah qad tareen oo labada dal isku xiri doono, kaasi oo la filayo in lasoo geba geebo dhammaadka sanadkan, si rasmi ahna loo furo.

Dalalka Djibouti iyo Ethiopia ayaa sanooyinkii dambe si xowli leh u xoojinayay mashaariicda qaybta ka ah horumarrinta is-dhexgalka dhaqaale ee ay labada dal doonayaan inay sida wada jirka ah u wada kobciyaan.

Mashaacriicda iminka socda, waxaa ka mid ah qad tareen oo labada dal isku xiri doono, kaasi oo la filayo in lasoo geba geebo dhammaadka sanadkan, si rasmi ahna loo furo.

Waxaa sidoo kale jira iskaashi dhinaca isgaarsiinta ah oo labada dal u dhaxeeya, ayada oo wafti ka socda shirkadda Isgaariisnta dalka Ethiopia ee Ethio Telecom ay iminka ku sugan yihiin magaalada Jabuuti, si ay heshiis ula galaan shirkadda Djibouti Telecom.

Wariyaha VOA-da ee Jabuuti Ramadan Muse ayaa war-bixin ka diyaariyey xiriirka sii kobcaya ee labada dal.

XS
SM
MD
LG