Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaaliyadda Somaliland ee USA oo Xaflad Qabatay


Jaaliyadda Somaliland ee USA oo Xaflad Qabatay
Jaaliyadda Somaliland ee USA oo Xaflad Qabatay

Xubnaha jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka ayaa xaflad xalay dhacday kusoo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mr. Siilaanyo.

Xaflad lagu taageerayey doorashadii iyo xil-kala-wareejintii ka dhacday Somaliland ayaa xalay lagu qabtay Gobolka Virginia ee waddanka Maraykanka. Xafladaas ayaa waxa kasoo qeyb galay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Maraykanka, iyadoo waliba Soomaali kale oo aan reer Somaliland ahayna ay xafladda joogeen.

Xafladan oo socotay ilaa saddexdii aroornimo saqda dhexe ka dib ayaa iyadu ka marneyd khudbado dhaadheer, una badneyd damaashaad.

27kii bishii July ayey ahayd markii la qabtay xafladii xil-kala-wareejinta ee uu xilka kaga degay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin isla markaana xilka cusub loo dhaariyey Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

XS
SM
MD
LG