Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Italy oo barbardhac la gashay New Zealand


Kooxaha Italy iyo New Zealand ayaa 1-1 isku mari waayay ciyaar xiiso badnayd oo ay ku yeesheen garoonka Mbombela

labadan kooxood waxay ka wada tirsan yihiin group-ka F. Ciyaarta hadaba oo ahayd mid ay dhinaca farsamada ku heer sareeyeen kooxda Italy, ayaa waxay ku bilaabatay gool ay kooxda New Zealand dhaliyeen daqiiqadii 7-aad, waxaana u dhaliyay ciyaartoyga lagu magacaabo Zmelts.

Kooxda Italy ayaa heshay rigooger, waxaana rigoorahaasi u dhaliyay ciyaartoyga lagu magacaabo Iaquinta.

Kooxda Italy ayaa heshay fursado badan, basle aysan u suurtogalin inay gool dhaliyaan.

Ciyaarta ayaa 90-kii daqiiqo ku soo afjarantay 1-1.

XS
SM
MD
LG