Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Italy: Aqalka Senate-ka oo Sharciyo Ansixiyay


Italy: Aqalka Senate-ka oo Sharciyo Ansixiyay
Italy: Aqalka Senate-ka oo Sharciyo Ansixiyay

Aqalka Senate-ka Talyaaniga ayaa maanta ansixiyay Sharciyo iyo talaabooyin gunti isku-giijin ah kuwaasoo lagu doonayo in dhaqaalaha Talyaaniga lagu bad-baadiyo.

Aqalka hoose ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah meelmariyo sharciyadan uu aqalka Senate-ku ansixiyay maanta. Ra'iisul-wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay inuu iscasliayo oo uu jidka u baneynayo xukuumad cusub oo qancisa ama dajisa maalgashiyaasha caalamka iyo Midowga Yurub.

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub iyo maalgashiyaasha ayaa welwel ka muujiyay in haddii aanu Talyaanigu talaabo qaadin ay taasi ka dhignaan doonto in Talyaanigu u baahnaado lacago samatabixin oo caalami ah oo ka badan lacagahii samatabixintan ee horey loo siiyay dalalka Greece, Ireland iyo Portugal.

Mario Monti ayaa la filayaa inuu noqdo ra'iisul wasaaraha Talyaaniga marka uu xilka ka dago Berlusconi.

Inkasta oo uu Burlusconi sheegay inuu iscaisllayo, haddana maalgashiyaal fara badan ayaa walaac ka muujinaya in markale ay dhici karto inuu Burlusconi uu xilka isku sii dhajiyo.

XS
SM
MD
LG