Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban: Caalamku Ha Laba Jibbaaro Taageerada DKMG


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, oo ka hadlaya shirka Istanbul, ayaa ugu baaqay beesha caalamku ay laba jibbaarto taageerada ay siiso DKMG ah ee Somalia

Xoghayaha guud ee Qaramada Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay hiil iyo hooba siiyaan DKMG ah ee Somalia, dadaalka ay ugu jirto inay soo celiso xasilloonida iyo kala dambeynta.

Ban Ki-Moon oo galinkii hore ee maanta khudbad dheer ka jeediyey shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia kana soconaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in Somalia ay tahay mid kamid ah xasaradaha ugu murugsan caalamka. Wuxuuna intaas ku daray in DKMG ah ay tahay fursadda uga wanaagsan ee looga bixi karo colaadda aan dhammaadka laheyn, iyo daryeel-xumada bani’aadannimo ee ka jirta dalkaas.

Ban Ki-Moon wuxuu yiri: “Markii ugu horreysay muddo 20 sano ah, waxaa jira horumar la taaban karo oo dhanka xasilloonida Somalia loo qaaday. Heshiiskii Djibouti wuxuu mataaneeyey kooxo markii hore cadow isku ahaa, iyagoo dhidibbada u aasay DKMG ah ee Somalia. Haddii aannan laba jibbaarin dadaalkeenna, fursadda nabadda ee Somalia way sii liidan doontaa. Waxaan halkan isugu nimid maanta inaan isbeddelkaas hirgalinno. Waxaan qiimeyn doonnaa caqabadaha ku hor-gudban Somalia, iyo fursadaha ay heysato.”

Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale ku canaantay masuuliyiinta DKMG ah inay soo afjaraan khilaafka ragaadiyey, isla markaana ay u midoobaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen kooxaha mayalka adag ee kasoo horjeeda.

Shirweynaha Istanbul ayaa sidoo kale sahminaya sida looga hortagi karo burcad-badeedda Soomaalida.

XS
SM
MD
LG