Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israsaaseyn iyo Dil ka Dhacay Boosaaso


Israsaaseyn iyo Dil ka Dhacay Boosaaso
Israsaaseyn iyo Dil ka Dhacay Boosaaso

Iska horimaadka ayaa ka dhacay xaafadaha ku yaalla dhanka koonfureed ee magaalada Boosaaso, waxana uu dhexmaray ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan.

Waxaa maalintiisii saddexaad galay hawlgal ay ciidamada ammaanka Puntland ka wadaan magaalada Boosaaso, kaasoo ay ku sheegeen inay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

Tan iyo markii uu hawlgalku bilowday ciidamadu waxay guriguri u galayeen xaafadaha magaalada, iyagoona qabqabasho iyo tarxiilba ku sameeyay dad badan oo ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Dhinaca koonfureed ee magaalada waxaa saaka lagu soo warramay in iska horimaad uu ku dhexmaray ciidamada ammaanka iyo rag la sheegay inay ahaayeen dabley hubeysan. Waxaana iska horimaadkaasi la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho.

Weli laamaha amnigu kama ay hadlin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Subaxnimadii salaasada ugu yaraan labo askari iyo qof rayid ah ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso.

Walaaca Ganacsatada

Nin ka tirsan ganacsatada ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya oo ku sugan Boosaaso ayaa VOA-da u sheegay inaysan cabsi darteed u shaqo tegin maalmahan goobohoodii ganacsiga.

Ninkasi oo magaciisa ka gaabsaday waxa uu sheegay inay jiraan ganacsato ka mid noqday raggii la qabqabtay ee laga musaafuriyay magaalada.

Mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen in hawlgalladan ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka isla markaana lagu qabqabanayo cid kasta oo ay u arkaan inay ammaan xumo gaysan karto.Iyagoona beeniyay in si gaar ah loo beegsanayo dadka ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Hawlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka ee Puntland waxay daba socdaan dilal iyo qaraxyo laga geystay magaalada Boosaaso, kuwaasoo si gaar ah loola bartilmaameedsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ammaanka.



XS
SM
MD
LG