Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Hakisay Fasaxii Safar ee Falastiiniyiin Badan


Israel ayaa hakisay fasaxii safar ee 83,000 qof oo Falastiiniyiin ah, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, kadib markii laba nin oo hubeysan oo Falastiiniyiin ah ay xalay weerareen meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Tel Aviv.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay afar qof, ayada oo shan kalena lagu dhaawacay.

“Waxaa la joojiyey dhammaan fasaxii bisha Ramadan, ee qoysaska ka imanaya Judea iyo Samaria” Ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda maareysa socdaalka Israel ee COGAT ee Daanta Galbeed.

Amarkan ayaa sidoo kale saameynaya boqolaal Falastiiniyiin ah oo ka imanaya Gaza iyo 204 qof oo ah ehelka mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay inay weerarka fuliyeen.

Booliiska Israel ayaa ku qeexay weerarkii arbacada mid argagixiso, waxayna sheegeen in kooxda weerarka fulisay ay adeegsadeen qoryaha daran dooriga u dhaca.

Booliiska Israel ayaa gacanta ku haya labada qof ee toogashada fuliyey. Mid ka mid ah ayaa ku jira Isbitaal kadib markii la toogtay oo uu dhaawacmay. Waxay booliisku sheegeen in labada dableyba ay yihiin ilma adeero degan magaalada Hebron ee daanta Galbeed.

XS
SM
MD
LG