Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel Oo Dooneysa In Video lagu Xiro Alaqsa


Ra'iisul Wasaare Netanyahu waxa uu sheegay in tani caddeyn doonto in Israel aysan dadka muslimiinta u diidaneyn inay ku tukadaan masjidka, iyo in la arko cidda gardarrada wadda.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in kaamirooyin la socda dhaqdhaqaaqa dadka oo lagu xiro masjidka barakeysan ee al-Aqsa ay dan ugu jirto Israel.

Waxa uu golaha wasiiradiisa u sheegay in tallaabadan ay keeni karto laba arrin oo wanaagsan oo ah; inay caddeyso in Israel aysan dadka muslimiinta u diidaneyn inay ku tukadaan masjidka, iyo in la arko cidda gardarrada wadda.

Cabsi ku saabsan in Israel ay soo rogeyso xeer cusub oo dadka muslimiinta u diidaya inay masjidka ku tukadaan ay dhalisay toddobaadyo rabshado ah, oo dilay 10 qof oo Israa’iliyiin ah iyo 50 Falastiiniyiin ah.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa sabtidii sheegay in Israel iyo Jordan ay isku raaceen tallaabooyin lagu yareynayo rabshadaha, oo ay ku jirto in video lagu xiro masjidka.

“Tani waxa ay dhallin doontaa in si cad loo arko waxa ka socda masjidka” ayuu yiri Kerry.

Falastiiniyiinta weli kama aysan hadlin arrintan.

XS
SM
MD
LG