Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masjidka Al-Aqsa Oo Kaamiro Lagu Xirayo


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa soo gabagabeeyey kulamo xiriir ah oo uu la lahaa madaxda Bariga Dhexe, kuwaas oo ku saabsanaa deganaansho la’aanta sii badanaysay ee ka dhex jirtay Israeliyiinta iyo Falastiiniyinta. Kerry ayaa sheegay sheegay in ay jirto doonis ah in bog cusub la furo, taas oo dhibaato kasta lagu xalinayo.

Kerry ayaa Sabtidii shalay sidoo kale sheegay in Israel iyo Urdun ay ku heshiiyeen arrimo dhowr oo lagu qaboojinayo gacan ka hadalka ka jira magaalada Qudus, sida in video meel fog laga arki karo lagu xiro goobaha barakaysan ee magaalada Qudus ee yuhuuddu ay u taqaano Temple Mount, muslimiintuna ay u yaqaanaan Xaram al-Shariif. Kerry ayaa sheegay in arrintani ay keenayso si buuxda loo arko waxa socda, taasina ay qof kasta ka horjoogsanayso inuu wax u dhimo muqaddasnimada dhulka barakaysan.

Arrintan ayuu Kerry ka hadlay isaga oo magaalada Cumaan ee Urdun ay wada joogaan wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Nasser juudah, ka hor intii uuna u socdaalin magaalada Riyaad ee Sucuudiga, halkaas oo sarakiisha Sucuudiga wada hadal la soo yeelan doono.

XS
SM
MD
LG